Jihaadka ugu wayn ee qofku galo waa kan uu naftiisa la galo guusha ugu waynna waa mida uu naftiisa ka guulaysto ama ku hanto xakamayn rabitaanada aan xadka lahayn ee nafta ku amrayso. qofka ay tahay inaadka fiicnaato waa qofkaad shalay ahayd yacnii waa inaad meeshad shalay taagnayd aad ka dhaqaaqdaa dhanka hormarka haday cilmi tahay iyo haday camal wanaagsan tahayba. Naftaada ayaa labo qayb ka samaysan qayb shaydanka la jaal ah oo an wanaaga iyo horusocod kula rabin dhibkana nacaysa inay seexato anay cibadaysan baagamuudo iyo raaxo iska rabta waana tan go,aamo badan oo adgaadhay diiday inaad fuliso wahsigeeda awgii. Iyo mid kugu dhiirigalisa alle kacabsi ku farta wanaaga, kaa waanisa kaana dawaysa walwalka bilaa macnaha ah kaa kicisa hurdada aan dhamaanayn ee camalkaaga ku seejinaysa, dhanka wanaagsana wax ka eegta xishoota ayay u qaybsantahay . Naftaada ka adkow. intaad cid ku mashquuli lahayd adigu isku mashquul ceebahaaga iyo camaladada xun xun sidad u suulin lahay...